U bood dhigaalka

Alshabaab oo Iska Fogeeyey Eedda Dilka Kiraan

Sheeko:Amniga

Xarakada Alshabaab ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka beensheegtay eedda la xiriirta dilka Ikraan.

Qoraal ay soo daabaceen Al-shabaab ayeey ku sheegen in ay tahay wax aad ay ula yaabeen warka NISA.

“kama dambeyno, waxba kama ogin dilka gabadha lagu magacaabo Ikraan Tahliil, layaab ayay nagu noqotay in Sirdoonka dowladda ridada nagu masabido dilka gabadhaas, sida dadka Soomaaliyeed ula fajaceen ayaa anaguna ula fajacnay”ayaa lagu yiri qoraal Alshabaab ku baahiyeen barahooda Internetka.