U bood dhigaalka

Alshabaab oo Iska Fogeysay Qorshaha Beegsiga Farmaajo iyo Rooble

Sheeko:Amniga

Al-shabaab ayaa gebi ahaan iska fogaysay in ay wadaan qorshe ay ku dilayaan Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Farmaajo, waxaana ay si cad u sheegeen in aanu jirin shaqsi lagu Magacaabo Maxamed Maahir oo ka tirsan Al-shabaab, sida ay ku sheegeen qoraal lagu daabacay  bartooda.

Al-shabaab ayaa dhan kale sheegay in hadalka kasoo baxay hey’adda nabadsugidda iyo sirdoonka NISA uu yahay qorshe ay iyadu wadato sida ay hadalka u dhigeen, waxaana intaas in hadalkaas ay keentay mushilad ka jirta dhexdooda  uu yahay qorshe ay NISA abuurtay sida lagu xusay bayaanka kasoo baxay ee lagu faafiyey barahooda.

Hadalaka kasoo baxay Al-shaabaab lagu  beeniyeen hadalkii NISA, ayaa kusoo aadayaa iyadoo ay hey’addu ay baahisay qorshe la damacsan yahay in lagu khaarijin rabo madaxda dalka ugu saraysa, waxaana la ogaa in Al-shabaab horay u beeniyeen dilkii Marxuumad Ikraan Tahliil Farax oo lagu eedeeyey in ay dileen xubno NISA ah.

Goobjoog News