U bood dhigaalka

Alshabaab oo Qabsaday Magaalooyin Hor Leh

Sheeko:Dalka

Dagaalyahanada Alshabaab ayaa dib ula wareegey magaalooyin sedex ah oo ay isaga baxeen ciidamada AMISOM saacadihii lasoo dhaafay.

Magaalooyinkani ayaa waxaa ka mid ah Tooro Tooroow, Awdheegle iyo Mubaarak oo horey marar badan loogu dagaalamay, ahaana furumaha dagaalka.

AMISOM ayaa deegaanadaasi ka baxday kadib weerarkii qasaaraha badan geystey ee Alshabaab ay ku qaaday xeradii AMISOM ee Leego jimcihii lasoo dhaafay.

Wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka tirsan ay inta badan qorshuhu yahay in ay deegaanadaasi la wareegaan , iyaga oo sidoo kalana la wareegey deegaanka Leego.

Alshabaab oo horey u balanqaaday in bisha Ramadaan ay kordhin doonaan weerarada ay geysanayaan ayaa weeraradaasi ka geystey meelo ka baxsan caasimadda oo markii hore la filayay in bartilmaameedku yahay.

Waxaa xaaladda oga sii daraya ciidamada dowladda oo aanan muddo 4 bilood ah wax mushaar ah qaadanin, taasi oo daciifisey dhaqdhaqaaqii ciidamada militariga oo iyaga ka barbar dagaalamayay ciidamada AMISOM.

Goobjoog News