U bood dhigaalka

Alshabaab oo Weerar Ku Qaaday Dhoobleey

Sheeko:Dalka

Wararka ka imanaya magaalada xudduuda ku taala ee Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay weerar ku qaadeen xarakada Alshabaab habeenkii xalay ahaa.
Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in Alshabaab ay tuureen bambaanooyin, balse lama oga qasaaraha dhabta ah inkasta oo ay jiraan warar ka hadlaya dhaawacyo iyo dhimasho .
Markii uu weerarka dhacay kadib ayaa waxaa maamulka Dhoobleey ee Jubba ay hawada ka saareen isgaarsiinta magaaladaasi iyo waliba magaalooyin kale oo gobolka ku yaala, taasi oo looga gol lahaa inta uu baaritaanka socdey, balse isgaarsiinta ayaa dib hawada ugu soo laabatay.
Goobjoog News