U bood dhigaalka

Alsunna oo Baaq Nabadeed Ka Soo Saartay Dagaal Beeleedyo Ka Soo Cusboonaaday Galgaduud

Sheeko:Amniga

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah golaha sare ee Ururka Alsuuna ee gobolada dhexe, ayaa baaq ka soo saaray dagaal beeleedyo dib uga soo cusboonaaday gobolka Galgaduud.

Madaxii hore ee xukuumadda Galmudug,  ayaa ugu baaqay labada dhinac in dagaalka iyo colaadda deegaannada Xananbuure iyo Qalaanqalle ay ku soo afjaraan si shuruud la’aan ah,

Sheekh Shaakir ayaa sidoo kale ugu baaqay Culimada, Waxgaradka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan in ay qaataan kaalintooda,  ku aadan baajnta dhiig dambe ee ku daata deegaannada Xananbuure iyo Qalaanqalle.

Dagaalka ka dhacay deegaannada Xananbuure iyo Qalaanqalle ayaa waxaa ku naf waayey 15 ruux oo labada dhinac halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 30 kale.

Halkaan Ka Akhriso.

 

 Goobjoog News