Amaanka Magaalada Cadaado Oo La Adkeeyay

Maamulka degmada Cadaado ee Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in amniga magaaladaasi aad loo adkeeyay, maadaama loo diyaar garoobayo doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug.

Gudoomiyaha degmadaasi Cabdullaahi Cabdiraxmaan Xuseen oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in amniga Cadaado gacan adag lagu hayo, uuna yahay mid sare.

Waxa uu sheegay in magaalada ay marti gelinayso dhismaha maamulka Galmudug oo haatan meel gabagabo ah maraya, waxaana uu sheegay in ka maamul ahaan ay ku dadaaleen sidii martida ku sugan magaaladaasi ay nabad galyo howshooda ugu wadan lahaayeen.

Guud ahaan magaalada Cadaado ayaa waxaa laga dareemayaa Ololaha doorashada madaxweynaha Galmudug, waxaana sidoo kale magaalada ku xardhan sawirada iyo hal ku dhigyo ay sameysteen musharraxiinta.

Bisha July ee soo socota Afarteeda ayaa lagu wadaa in magaalada Cadaado ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Galmudug, iyadoo musharraxiin badan ay xilkaasi u taagan yihiin.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW