U bood dhigaalka

Amaanka Magaalada Garowe oo Si Weyn Loo Adkeeyay iyo Shirka Wadatashiga Puntland oo Maanta Halkaasi Ka Furmaya

Sheeko:Amniga

Maanta ayaa la filayaa in magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland uu ka furmo shirka wadatashiga aayaha Puntland oo uu horey u cilaamiyay madaxweyne Deni, waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka magaaladaasi.

Shirkan oo ay ka qeyb geli doonaan dhamaan saamileyda Puntland ayaa waxaa la sheegay in looga hadli doono arrimo xasaasi ah, waxaana masuuliyiinta shirkan ka qeybgaleysa qeyb ka ah wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka ah.

Magaalada ayaa lagu arkayaa ciidamo aad u fara badan uu si weyn u sugaya amaanka, waxaana dhamaan la fasaxay ardeyda wax ka barata magaalada Garowe sababa la xiriira shirkan.

Lama oga warmurtiyeedka ka soo bixi doona shirkan, iyada oo ay xusid mudan tahay in khilaaf xooggan uu u dhaxeeyo madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Puntland.

No photo description available.

Goobjoog News