U bood dhigaalka

Amanda Roach Oo Ah Qunsul Ku-xigeenka Safaaradda Mareykanka Oo Goobjoog Kala Hadashay Lottery-ga

Sheeko:Dalka

Waxaa haatan Muqdisho ku sugan Amanda Roach oo ah qunsul ku-xigeenka Safaaradda Mareykanka ee Nairobi, Hadaba, Axmedweli Xuseen oo ah tifaftiaha Radio Goobjoog oo wareysi gaar ah la yeeshay ayaa waxaa uu ka weydiiyay ujeedka safarkeeda iyo arrimaha  lottery-ga.

Goobjoog News: Ujeedka safarkaaga muqdisho maxuu ku saleysan yahay?

Amanda Roach: Hagaag, waxaan ka shaqeeyaa qeybta soo galootiga ee safaaradda dalka Mareykanka ee saldhiggeedu yahay magaalada Nairobi halkaan Muqdishana waxaan wada joognaa asxaabteyda kuwaasoo ka shaqeeya qeybta siisa adeegyada muwaadiniinta u dhashay dalka Mareykanka sababtoo ah hadda kuma lihin qunsuliyadda adeegyada bixisa Muqdisho xataa kuweena Kenya jooga waxay mas’uul ka yihiin adeegyada looga baahan yahay Soomaaliya, marka safarka aan halkaan ku joogno waa mid aan kula kulmeyno Soomaalida oo aan kula hadleyno kuwa ku jira dowladda iyo sidoo kale ganacsiga si aan wax badan uga baranno deegaanka iyo sida aan uga caawin karno Soomaalida iyo Ameerikaanka adeegyada kala geddisan ee aan bixinno.

Goobjoog News: Bal waxaad dadka Kuxiran Goobjoog u sheegtaa Fiisahan nasiibka ku salaeysan ee aad caalamka oo dhan aad ugu talagayeen macnahiisu waa maxay iyo ujeedka aad ka leedihiin?

Amanda Roach: Dal ku-galkan sanadkiiba mar la codsado waxaa la billaabay 1995tii,  waxaana billaabay golaha sharci dejinta dalka Mareykanka waxaana ujeedkiisu ahaa in lagu dhiirigelyo socdaalka waddamada aan taariikh ahaan dadkoodu ku badneyn dalka Mareykanka tanina waxaa cabbir looga dhigay haddii dal ay soogalootigiisu ka yaryihiin 50 kun 5tii sano ee la soo dhaafay marka barnaamijkaan wuxuu u furan yahay dhammaan waddamada marka laga reebo waddamada socotadoodu badan tahay, dhinaca Africa oo ay Soomaaliya ku jirto marka laga reebo Nigeria, halkaan xilligii codsiyada la soo gudbinayey waa furan yihiin waxayna xirmeysaa 22ka bishan November oo ah arbacada 8:00pm saacadda bariga Africa marka qof kasta waa soo codsan karaa, waxaana jirta laba ha boo fudud oo aad kusoo codsan karto, mid wuxuu yahay inad soo dhameysay waxbarasho u dhiganta dugsi sare midda kalena waxay tahay haddii aadan intaas sameyn karin inaad shanti sano ee la soo dhaafay ku guda jirtay laba sano oo aad shaqo aad ugu taqasustay shaqooyinkaas taqasuskooda la rabo waxaa tusaale ahaan ka mid ah macallinimo, kalkaalisanimo ama dhaqtarnimo, haddii aad rabto inaad ogaato shaqata ay tahay inaad ku taqasusto waxaad booqan karta pagekeena.

Goobjoog News: Soomaali badan ayaa sanadkasta codsata haddana waxaan aragnaa tiro yar oo Soomaali ah oo hesha fiisahan waxaa maxay Sirta ka dambeeysa arrintan?

Amanda Roach: Sida aan horey u sheegayba wuxuu u furan yahay waddamada soogalootigoodu yaryahay ee yimaada dalka Mareykanka xulashadana,  waxaa si aan kala sooc lahayn u sameeya computer marka computerkaas ayaa go’aan ka gaara codsadeyaasha la aqbalay dad badan ayaana soo codsada, sanadkii tagey oo kaliya in ka badan 40 million oo qof oo adduunka oo dhan ah ayaa soo codsaday waxaana kuu sheegayaa in usbuuc kasta xaafiisyada Nairobi inaan wareysiyo ka qaado Soomaali doonaya dal ku galkan, waxaa in la isxasuusiyo in codsiga qaabka Onlineka ah loo soo gudbinayo inuu bilaash yahay waxaana soo gudbin kartaa oo kaliya hal codsi marka adiga caqabad ha isku noqon haddii aad soo gudbiso in ka badan hal codsi kuma guuleysan doontid mana lagu xulan doono.

Goobjoog News: Waxaad ii sheegtay in Kumbiyuutarku uu ka la xulo dadka soo Codsada fiisahan siduu u xulaa habkeese maraa si dadka loo baahan yahay uu u doorto?

Amanda Roach: Hagaag, dadka ka imaanaya waddamo gaar ah ayaa loo ogolyahay inay codsadaan marka haddii aad codsato oo aad doorato tusaale ahaan Nigeria kuuma ogolaanayo computerka inaad u gudbiso codsigaaga sababtoo ah dadka Nigeria u dhashay looma ogola inay hadda codsadaan

Haa waa qodob wanaagsan, kuma lihin safaarad aan wareysiyada dal ku galka ah ku qaadno hadda Soomaaliya marka sababtaas darteed codsadeyaasha ku nool Soomaaliya waa inay aadaan safaarad kale oo aan ku leenahay gobolka si loogu wareysto tusaale ahaan anigu waxaan ka imid safaaradda Nairobi halkaas ayaan Soomaalida ku wareysannaa sidoo kale Adisababa iyo Jabuuti marka kaasi waa hal sheey oo nagu adag sababtoo ah waa inaad halkaas tagtaa adigoo qarashka iska bixinaya waxa kale ee loo baahanyahayna waa inuu qofku haystaa wax u dhigma dugsi sare ama diploma laakiin nasiib darro safaarad ahaan waa inu adag tahay inaan xaqiijinno dukumiintiyada ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya marka iyadoo taasi jirto waxaan dadka weydiinaa inay noo keenaan waaya-aragnimo kale oo dhanka waxbarashada ah oo laga yaabo inay ka haystaan waddan kale laga yaabee haddii ay rabaan inay ka bilaabaan jaamacad dal kale sida Kenya ama Uganda ama haddii ay u shaqeeyeen urur ee kaabi kara waaya aragnimadooda.

Goobjoog News: Kumanaan Soomaali ah ayaa sanadkasta saf u gala in ay helaan Fiisahan dalalka colaaduhu ay ka taaganyihiin sida Soomaaliya oo kale mala siiya ahmiyadda Si dad badan looga qaado?

Amanda Roach: Dalku galkan gaarka ah waddamada waxaa la siiyaa kala-mudnaan, kuwa ka yimaada waddamada colaaddu ka jirto ama kuwa aadka u xasilan computerka ayaa xulashada leh marka computerkana ma kala ogaan karo laakiin dabcan xaaladdaasi waxaa jira doorasho kale oo lagu tago Mareykanka iyadoo loo marayo nidaam qaxootinnimo laakiin dal-ku-galkan ma jirto kala muhiimadsiin lagu sameynayo waddamada.

Goobjoog News: Fiisaha mareykanka marka lamaqlo durbaba waxaa la soo xasuusta Madaxweyne Trump oo dhowaan Sheegay in la hakinayo fiisahan makula tahay in warka madaxweynihiinu uu arrintan saameyn weyn ku yeelan karo oo ay tahay in aan codsigiisaba Soomaalidu isku daalin?

Amanda Roach: Hadda ma jirto wax isbedel ah oo lagu sameeyey barnaamijka wali 50kun oo dal ku galka nuucan ah ayaa la bixiyaa sanadkii oo adduunka oo dhan ah walina codsiyada waan qaabileynaa illaa bishan November 22keeda 8:00pm saacadda bariga Africa marka ma jirto hadda wax la joojiyey ama la bedelay hawshuna waa socotaa barnaamijkuna wuxuu billawday 1995tii illaa intaasna waxaa jiray dad su’aalosu’aalo naga weydiinaya barnaamijkan laakiin mar kale waxaa billaabay golaha sharci dejinta ee dalka Mareykanka tillaabooyinka lagu joojinayana waa inay iyaga ka yimaadaan.

Goobjoog News: Dad ayaa lacag ka sameeya oo dadka u codsada fiisahan waxaad ii sheegtay in arrintan in aad ka hadasho aad rabto walaaciinu maxuu yahay?

Amanda Roach: Waxaan ku guubaanineynaa qof kasta in uu isagu fiisaha codsado oo uusan cid kale u wakiilan, maxaa yeelay waa lacag la’aan sidaa darteed ma ahan in aad cid lacag ku siisid in uu kuu codsado Fiisadan, waxaan ku dhiiragalinayaa dadka in aysan cidna lacag kusiin, maxaa yeelay kuwa lacagta ku qaadanaya waa ay ogyihiin in waxani yihiin lacag la’aan

Goobjoog News: Maxaa tallooyin ah oo aad u heysaa Dadka sanad kasta codsada Fiisahan? 

Amanda Roach: Waxaan kula talinayaa qofkasta oo codsada in uu hubiyo in isagu uusan isreebin oo aysan soo qorin wax qalad ah xiliga ay codsanayaan Tusaale ahaan waxaa lagaa rabaa in aa dhal codsi soo diratid , hadda laba jeer aad soo codsato Vissa ha isla markiiba Kumbiyuutarka ayaa ku reebaya oo ku dhahaya uma qalantid in aad fiisadan Codsato.

Wadada kale oo aad ku hari karto waxa waaye in aadan qorin dhammaan qoyskaaga, tusaale haddii aad xaas leedahay waa in aad qorataa, haddii aad ilmo leedahay waa in aad ku dartaa magacyadooda liiska codsiga haddii aysan reer lahayn da’doodana ay ka yartahay 21 sano.

Waxaan aragnaa dad marka ay wareysiga u yimaadan Safaaradda aysan u qorneyn xaaskooda iyo carruurtii midna, taas oo keenta in ay ku dhacaan wareysiga sidaa darteed waa in aad marka hore ubisaa in waxkasta oo arrimahaas la xiriira ay kuu diiwan gashanyihiin si aadan wareysgia ugu dhicin.

Goobjoognews