U bood dhigaalka

Amar Ka Soo Baxay Maamulada Puntland iyo Galmudug oo Gaalkacyo Ka Dhaqan Galaya

Sheeko:Amniga

Waxaa Bandow lagu soo rogay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug oo ay isla maamulaan Puntland iyo Galmudug, waxaana lagu soo waramayaa in bandowga lagu rogay magaaladaasi la filayo in uu dhaqan galo.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah magaalada Gaalkacyo ugu qabteen guddoomiyeyaasha gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug Axmed Muuse Nuur iyo Cabdiraxmaan Cali Diiriye oo wadajir shir ugu qabtay ayaa sheegay in xaalad deg deg ah la galiyay magaalada Gaalkacyo maadaama laga cabsi qabo aafitaanka COVID-19.

Amarkan la xiriira xaalada deg-dega ee ku soo korortay Galmudug iyo Puntland ayaa timid kadib markii deegaannada Puntland laga helay Kiis cusub oo cudurka Covid 19 ah, bandawgaan ayaa saameynaya goobaha la isugu yimaado inkastoo aan faahfaahin laga bixin, iyadoo ujeedadana ay tahay si looga fagaado cudurka COVID 19.

Shirkooda ayay ku sheegeen in magaalada Gaalkacyo bandow lagu soo rogayo shacabkuna u hogaansamaan amarada ka soo baxay madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland ayna fulinayaan maamulada gobolka Mudug.

Goobjoog News