U bood dhigaalka

Amar lagu bixiyay in gacanta lagu dhigo cid walba oo hub ku dhex wadata Baladweyne (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Baladweyn ayaa amar ku bixiyay in la soo qabto cid kasta oo hub sharci darro ah ku dhex wadata magaalada Baladweyne.

Wuxuu ugu baaqay maleeshiyaadka ku nool magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, in ay xareystaan hubkooda oo aysan guryaha kala soo bixin intii laga gaarayo hub ka dhigis rasmi ah.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidanka Baladweyne ayaa sheegay in aysan raali ka noqon doonin in hub sharci darro ah lagu dhex qaato magaalada, taas oo sabab u noqon karta amniga oo faraha ka baxa.

Xilliyada qaar waxaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, lagu dhex arkaa dhalinyaro hub ku dhex wata magaalada, qarkoodna aanay xirneen dharkii astaanta u ahaa ciidamada Qalabka sida, waana mida soo dedejisay amarkaan kasoo baxay maxkamadda.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News