U bood dhigaalka

Amarro Lagu Soo Rogay Wariyeyaasha Ka Howlgala Puntland

Sheeko:Dalka

Wasaaradda warfaafinta ee maamulka Puntland ayaa amarro kusoo rogtay dhammaan wariyayaasha ka howlgala deegaannada maamulkaasi uu ka arrimiyo.

Wareegto uu ku saxiixan yahay wasiirka wasaaraddaasi ayaa lagu sheegay in dhammaan warbaahinnada ka howlgala Puntland laga doonayo inay soo gudbiyaan macluumaadka, tirada, ciwaanada faah faahsan ee wariyeyaasha u shaqeynaya.

Waxaana lagu sheegay qoraalkan in wariye aan intaasi laga hayn ka howlgeli doonin Puntland.

Halkaan hoose ka akhriso

Liis

Goobjoog News