U bood dhigaalka

Amazon oo Google Gambar Gaaban Ugu Fariisatay Kadib Markii Ay Diiwaangelisay Daahrog Cusub oo Ay Kula Tartamayso Youtube

Warbixin lagu soo daabacay “Daily Mail” ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in shirkadda Amazon ay qorsheynayso iney suuqa soo galiso website la tartamaya Youtube, arrintaas oo keenaysa in khilaafkii  labada shirkadood uu cirka isku shareero.

Xilli sii horreysay oo bishan ah ayaa Amazon ay ka codsatay maktabka Mareykanka ee bixiya shahaadooyinka daahrogyada cusub iyo caalamadaha gacansiga in loo diiwaangeliyo App cusub oo la yiraahdo “Amazon Tube iyo Open Tube, labadan App ayaa markii ugu horreeyay lagu soo bandhigay website-ka TV Answer Man, iyadoo ay jirto inaan lasoo hadal qaadin Youtube ayaa hadana arrintu u muuqataa in astaamaaha la sheegay in Website-kan cusubi uu leeyahay, ayaa la mid ah astaamaha Youtube oo ay maalgeliso shirkadda Google.

Tallaabadan ayaa Amazon qaadday kadib markii uu sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya labada shirkadood, September-tii lasoo dhaafay ayaa shirkadda Google ku dhawaaqday in Youtube laga saaray shaashadda ee Echo Dot oo la socday qalabka Amazon waxaa shirkadda Amazon qalabkeeda kusoo xirtay Youtub iyadoon ogeysiin Google, laakiin markii ay google arrintii ka war heshay ayaa ay isla markiiba ka suulisay.

Shirkadda Alphabet ee ah shirkadda Hooyada u ah Google ayaa go’aankeeda ku difaacday in shirkadda Amazon aaney ula dhaqmin waxsoosaarka google sida qalabka Chromacast iyo Google Home sidii loo baahnaa, waxayna tilmaantay in Amazon aaney adeegga Prime Video aaney u ogolaan dadka adeegsada Chromecast.

Dagaalkii ayaa sii xoogaystay oo google waxa uu ku dhawaaqay inuu Youtube ka suulin doono barnaamijka Eco Show iyo Amazon Fire TV laga bilaabo sanadka cusub.

Isla maalintiina shirkadda Amazon waxay gudbisay dalabkeeda ah in loo diiwaangeliyo daahrog cusub oo ay kula tartameyso muuq baahiyaha Youtube.