U bood dhigaalka

Ambassador Cali Ameeriko Oo Ku Baaqay In Dib Loo Eego Maqaamka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey dalka Kenya Ambassador Maxamed Cali Ameeriko ayaa ugu baaqaday madaxda dalka in ay dib u eegaan maqaamka Muqdisho oo uu sheegay inuu yahay mid lama iloobaan ah.

Waxa uu tilmaamay in wax lala yaabo tahay in magaalada Muqdisho laga reebo aqalka sare lana duudsiiyo shacabka Muqdisho xaqooda.

Madaxdii shirtay ayuu sheegay Ambassador Ameeriko in laga waayey qof u dooda magaalada Muqdisho, islamarkaana taasi ay dad badan la yaab ku noqotay.

“Waa wax laga xumaado in maqaamka Muqdisho aan la cadeyn, sidoo kalena xuuqda gobolka Banaadir aan laga siin aqalka sare, intii uu xaq u lahaa gobolkan waxaa qaatay gobollo kale, madaxda waxaan leeyahay dib u eega arrinta Muqdisho” ayuu yiri Ameriko.

Aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo  jeeda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in marnaba aanay aqbali doonin in Muqdisho laga qadiyo saamiga ay ku leedahay aqalka sare.

Goobjoog News