U bood dhigaalka

Ambassador Cali Ameeriko Oo Loo Diiday Inuu Tago Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Safiirkii hore Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Ameeriko oo maalmihii ugu dambeeyay socdaal uu ugu magac daray midka Nabadda ku tagayay gobalada Dalka ayaa loo diiday in uu galo magaalada Baladweyne ee Xarunta gobalka Hiiraan.

Safiir Ameeriko ayaa marka uu tagay deegaanka Matabaan, loo sheegay in uusan u gudbi karin magaalada Baladweyne, amarkaasina laga helay maamulka Hiiraan.

Mr Ameeriko oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in isaga aanu garaneyn sababta looga celiyay Magaalada Baladweyne, balse marka ay ahaataba uu dib ugu laaban doono halkaasi.

“Matabaan marka aan soo marayo ayaa la ii sheegay in degmada Baladweyne aan geli karin, ma aqaanno sababta, mana jecli in warbaahinta hadallo kale aan ka sheego, balse Baladweyne waa magaallo Soomaaliyeed, waqtiga ay noqoto waan tagi doonaa” ayuu yiri Ameeriko.

Amar kasoo baxay guddoomiyaha gobalka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa la sheegay in lagu celiyay Maxamed Cali Ameeriko, hase ahaatee lama oga sababta taasi ka dambeysa.

Safiirkii hore Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Ameeriko ayaa socdaal ku tagay goballo badan oo dalka ka mid ah, waxaana meelaha lagu soo dhaweeyay ka mid ah Kismaayo, Garoowe, Gaalkacyo, Dhuusamareeb, iyo Cadaado.

Goobjoog News