U bood dhigaalka

Ambassador Hotel Oo Lagu Qaaday Weerar Ismiidaamin Ah

Sheeko:Dalka

Qarax xooggan ayaa goordhaw ka dhacay Hotel Ambassador oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in qarax ay maqleen Hoteelka kadibna xabado ay ka dhaceen gudaha iyo dibadda Hoteelka.

Wararka waxaa ay intaas ku darayaan in ciidamo halkaas soo gaaray qaraxa kadib la xabadeeyay oo la arkayey qaarkood oo dhaawacooda la qaadayo.

Dhaawacyo ayaa la dhigay Isbitaallada Madiina iyo Banaadir, waxaana xaafadaha laga maqlayaa codka Ambulance.

Lama oga khasaaraha dhabta ah, faahfaahinta kala soco, Goobjoog News.