U bood dhigaalka

Ambassador Kay “Ma Jirto Diyaarad Ay Leedahay Qaramada Midoobay Oo Kusoo Dhacday Duleedka Afgooye”

Sheeko:Dalka

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Nickolas Kay oo wareysi siiyay Idaacadda VOA ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda dalka, sida doorashooyinka amniga iyo arrimaha la xiriira burcad badeeda.

Ugu horeen ayaa Kay waxa uu sheegay in dalka aysan ka dhici doonin doorasho qof iyo cod ah, balse ay jirto wada tashiyo u dhaxeeya Soomaalida, kaasi oo ah nooca ay noqon doonto doorashada dalka ka dhacaysa.

“Runtii ma jirto doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacaysa Soomaaliya, dowladda Soomaaliya iyo caalamka ayaa horay u sheegay inaysan taasi suurta gal ahayn, Soomaalida waxay ku jiraan hanaan wada tashi oo ah si ay u doortaan qaabka doorashada la qabanayo” ayuu yiri Kay.

Kay ayaa waxaa wax laga weydiiyay arrinta ku aadan amniga dalka, gaar ahaan weerarada magaalada Muqdisho ay ka geystaan Al-shabaab, waxaana uu qiray inay jirto awood Al-shabaab oo ah inay geystaan weerarao waxyeello geysta, balse taasi bedalkeeda waxa uu ku sheegay in la sameeyay dadaal ah in laga qabsado deegaanno badan oo ay maamulayeen.

“Al-shabaab waxay leeyihiin awood ah inay geystaan weeraro ka dhalata waxyeelo iyo khasaare, todobaad kahor waxay weerar ku qaadeen Hoteel ku yaalla magaalada Muqdisho, weerarada noocaan ah waxay dhacayaan Labadii Sano illaa Seddaxdii Sano ee lasoo dhaafay, aad bay u adag tahay joojinta falkaan argagaxisada, hadana Al-shabaab waxaa laga saaray magaalooyin ay maamuli jireen” ayuu yiri Ambassador Kay

28-kii October ee sanadkaan 2015 waxaa jiray warar sheegaya in diyaarad ay kusoo dhacday duleedka degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose, iyadoo wararka qaar ay tilmaamayeen in diyaaradani u rarneyd Qaramada Midoobay, ayaa hadana Mr Kay waxaa la weydiiyay waxa ka jira arrinkaasi.

“Xaqiiqdii ma jirto diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay oo kuso dhacday duleedka degmada Afgooye, waxaa jiray warar iska hor imaanayay oo sheegayay inay dhacday diyaarad rakaab ah, annaga waxaan ku dhaqaaqnay howlgal wax lagu soo badbaadinayo, diyaarado Helicopter ah ayaan isticmaalnay, mana la aarg meel diyaarad ku dhacday, sidoo kalena ma jirin cid sheegatay in diyaarad ay ka maqan tahay”

Dhinaca kale ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ambassador Kay ayaa la su’aalay hadal uu ka sheegay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay taasi oo ahayd in Badda Soomaaliya aan wax lagu afduubay Seddaxdii Sano ee lasoo dhaafay, iyadoo la weydiiyay in xilligaan aanay xeebaha Soomaaliya ka jirin qatartii burcad badeeda.

“Waxaan u maleynaa in si aad ah loo feejignaado waayo weli waxaa jira xaaladihii abuubar burcad badeeda, sida uu horay u sheegay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee ah kallumeysiga sharci darrada ah, iyo wixii la mid ah” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ambassador Nickolas Kay.

Goobjoog News