U bood dhigaalka

Amiir Tamiim oo soo dhoweeyey soo noqoshada xiriirka Diblomaasiyadda ee Soomaaliya iyo Kenya

Sheeko:Amniga

Amiirka Qatar ayaa soo dhoweeyey soo noqoshada xiriirka diblomaasiyadda ee Soomaaliya iyo Kenya isaga oo ku ammaanay Farmaajo iyo Uhuru go’aanka xikmadda ku saleysan oo geesinnimada leh.

Amiir Tamiim waxaa uu intaa raaciyey in Qatar ay nabadda ka shaqeyn doonto.

Dhanka dowladda Kenya ayaa soo dhoweysay in xiriirka labada dal uu soo noqday iyada oo rajo ka muujisay in sidoo kale lasoo celiyo xiriirka ganacsi iyo isu socodka dadka iyo dhaqanka.

Kenya waxaa ay Qatar ugu mahadcelisay iney ku guuleysatay soo celinta xiriirka labada dal.