U bood dhigaalka

AMISOM iyo Ciidamada Dowladda oo Ku Siqaya Jannaale iyo Shacabka oo Qax Bilaabay

Sheeko:Dalka

Ciidamada AMISOM iyo dowladda federaalka ayaa ku siqaya magaalada Jannaale ee shabeelada hoose, labo bilood kadib markii ay horay AMISOM magaalada uga baxday.

Mid ka mid ciidamada dowladda oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidankooda ay dageen meel Jannaale u jirta 10 KM.

Sarkaalka waxaa uu intaa raaciyay in ciidamada dowladda oo gacan ka helaya AMISOM ay magaalada gudaha u gali doonaan saacadaha soo socda.

Dhanka kale, warar ay Goobjoog ka heshay gudaha magaalada waxaa ay sheegayaan in shacabka ay bilaabeen in ay ka qaxaan magaalada iyagoo ka cabsi qaba dagaalka dowladda iyo Al-shabaab.’

Wixii warar ah kala soco.

Goobjoog News