U bood dhigaalka

AMISOM Iyo QM Oo Goobjoog News Uga Warbixiyey Qaraxyadii Maanta

Sheeko:Dalka

Khasaaraha qaraxyo ka dhacay afaafka hore ee AMISOM ayaa isa soo taraya, Goobjoog News ayaa la hashay AMISOM, UNKa, Isbitaallada, Booliiska gobolka Banaadir iyo Garoonka diyaaradaha Aden Cadde.

Afhayeenka AMISOM Joe Kibate oo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyay in qaraxa gaariga uu ka dhacay albaabka xaruntooda ee Muqdisho balse waxaa uu meesha ka saaray in dhankooda uu khasaare soo gaaray

Afhayeenka waxaa intaa raaciyay in 9-kii subaxnimo uu qaraxa ka dhaca oo halkaasina dadka wax ku noqdana ay yihiin dad rayid Soomaali ah.

Mustaf oo ka tirsan maamulka Adeyn Cadde International Airport ayaa waxaa uu Goobjoog News u sheegay in garoonta diyaaradaha Aden Cadde uu saacad hakad galay laakin haatan shaqadii dib loo bilaabay oo wax walbo caadi ku soo noqdeen.

Mas’uulkan garoonka ka tirsan, waxaa uu khasaaraha ku sheegay in miyaarado kaliya jajabeen Airportiga Aden Cadde, lana nadiifiyay.

Bishar Abshir  Geedi oo ah taliyaha  Booliiska gobolka Banaadir ayaa sheegay in qaraxa saaka ay ku dhinteen ilaa 13 qof halka ay 3 ku dhaawacmeen.

Bishaar Geedi waxaa uu sidoo kale sheegay in uu jiray qarax kale oo la fishilay halkaas uu ku dhintay ninkii is qarxiyay labo kalena ku dhaawacmeen.

Madaxa Madina Hospital Duniya Cali Maxamed ayaa Goobjoog News u sheegtay in Hosbitaalka la keenay ilaa 30 qof oo 17 ka mid ahaayeen dhaawac , dadka dhaawaca ah 5 ka mid ah waa askarta dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka xafiiska Unka Joseph Contreras ee Soomaaliya ayaa Goobjoog News u sheegay in shaqaalaha UNka aaney ka dhiman qofna, waxaa uu sidoo kale ka gaabsaday in uu xaqiijiyo in dadka dhintay ay ahaayeen Soomaali heshiis kula jiray dad u shaqeeya UNka.

 

Bishii hore ee June labo qarax ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho

June 1, 2016: in ka badan 15 qof ayaa ku dhintay halka 53 ay ku dhaawacmeen qarax iyo rasaas ka dhacday Hotel ambassador ee magaalada Muqdisho ,  xildhibaanno ayaa ku geeriyooday qaraxa,  Xildhibaan C/laahi Jaamac Kaba-weyne iyo Xildhibaan Max’uud Max’ed Guure .

June 25, 2016: in ka badan 15 ayaa ku dhimatay halka 30 kale ku dhaawacmeen qarax iyo rasaas ka dhacday Hotel Naasahablood ee magaalada Muqdisho, dadka halkaas ku geeriyooday waxaa ka mid ahaa wasiiru dowlaha bey’ada Burci.

Dalka waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo doorasho, waxaan la ogeyn sida loo sugayo ammaanka gobolka oo bilihii ugu dambeysay ayaa qaraxyo badan ka dhaceen.

dfd g h s g Qarax1 Qarax3 CoRQnSEUIAEUH3X

Goobjoog News