U bood dhigaalka

AMISOM : Ma Jiraan Ciidamada Aan Kuweena Ahayn oo Gedo Ku Sugan

Sheeko:Dalka

Afhayeenka AMISOM Paul Jaguna oo hadal kooban siiyey wariyaha Goobjoog Munasar Maxamed Cabdi oo ku wehlinayay safar lagu tagay Baardheere ayaa beeniyey warar soo baxayay oo sheegayay in ciidamo Itoobiyaan ah oo aanan ka mid ah kuwa AMISOM ay ku suganyihiin gobolka Gedo.

“Ma jiraan ciidamo shisheeye, waxa noo jooga waa ciidamada AMISOM oo meesha ku yimid sharciyad , dabcan AMISOM waa u baahnaan doontaa ciidamo badan sababtoo ah qorshaha ayaa aad u balaaran, sidaasi darteed haddii aan heleyno ciidamo dheeraad ah waa wax aan tixgalineyno, balse hadda ciidamada Soomaaliya jooga waa AMISOM oo kaliya” ayuu yiri

Balse waxa uu qirey in ay u baahanyihiin ciidamo dheeraad ah “Hawlgalkani waxa uu u baahanyahay ciidamo dheeraad ah, si aan hor ugu socono, tirada ciidamada aan hadda heysano waa 22 kun boqol iyo labaatan iyo lix askari , kuwaasi ayaanan kusii wadaynaa hawshaa, anaga oo isku dayayna in aan fulino hawsha noo taala” ayuu yiri.

Mar wariyaheena uu wax ka weeydiiyey muhiimadda ay ugu fadhido in ciidamo dheeraad ah ay helaan ayuu ku jawaabay “Haddii aan ciidamo dheeraad ah helno, horey ayaan usii soconeynaa, hawshana xawaaraheedu waa kordhaya in ka badan sida uu hadda yahay, waxayna nooga dhignaaneynaa in aan ciidamo u helno meelaha aan xoreyney oo dhan in ay joogaan , waxaa kale oo ay nooga dhignaaneeysaa in aan waqti badan u helno tababarka ciidamada Soomaaliyeed , waayo waxaan heleynaa ciidamo noogu kala qeybsama kuwa dagaalama iyo kuwa tababarka bixiya”.

Ciidamada AMISOM ee gobolka Hiiraan ayaa maanta sheegey in ciidamo Itoobiyaan ah oo aanan ka tirsanayn kuwa AMISOM ay soo galeen gobolkaasi, ahaayeena kuwii ka baxay deegaano dhawaan laga qabsaday Alshabaab.

Goobjoog News