AMISOM “Ma Jirto Wax Dib u Gurasho Ah oo Aan Sameyney”

Talista ciidamada nabad illaalinta Midoowga Afrika ayaa beeniyey warar kusoo baxay qaar ka mid ah warbaahinta oo sheegayay in AMISOM ay dib oga guranayso deegaanadii ay horey ula wareegtey.

Maman Sidikou oo ah madaxa Midoowga Afrika ee Soomaaliya ayaa yiri “Waxaa idin xaqiijinayaa in aysan jirin magaalo ama goobo kale ay ka baxeen AMISOM, waxaana taas ay u ogolaan laheyd Al-Shabaab inay dib ugu soo laabtaan, si ay u kala dhantaalaan Nabadda”.

Balse waxa uu qirey in dib usoo bixisda dhacday in ay qeyb ka tahay is abaabul iyo qorsheyn cusub oo ku aaddan hawlgalo ka dhan ah Alshabaab.

Ciidamada AMISOM ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay ka baxeen dhawr magaalo oo ku yaala gobolka Shabeelada Hoose, waxayna tani ka dambeysey weeraro kaga yimid Alshabaab oo qasaare badan uu kasoo gaaray ciidamada AMISOM.

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW