U bood dhigaalka

AMISOM Oo Ciidamo Gaar Ah U Sameysay Doorashooyinka Dalka Ka Dhici Doona

Sheeko:Dalka

Madaxa Howlgalka AMISOM Frencisco Madera ayaa sheegay in AMISOM ay ka qayb qaadanayso sidii loo sugi lahaa nabadgalyada dalka xilliga doorashadu dhacayso.

Madera ayaa tilmaamay in guddi gaar ah ay AMISOM u xil saartay inay nabad ku dhacdo doorashadda kuwaas oo si dhow ula shaqaynaya guddiyadda kala duwan ee Dowaldda Federaalka u qaabilsan inay ka shaqeeyaan doorasho inay dalka ka dhacdo.

“AMISOM waxa ay diyaarisay guddiyo iyo ciidamo gaar ah oo sugaya ammanka, waxaan idiin xaqiijinayaa in ammanka aan sugi doonno laakiin waxaan u baahannahay caawintiina, sidaan horay u sheegay Al-shabaab waa dad nala mid ah, lama awoodo in dadka laga dhaxgarto, taasina ma sahlano, ma is dhahayno Al-shabaab sifo gooni ah ayay leeyihiin oo aan ku garan karno, ma fahmi karno qofka ku cusub halkaan iyo kan kale, laakin intaas oo dhan waxaan uga guulaysan karnaa waa in wada shaqayn ka helno shacabka, iyaguna ay nagu wargeliyaan dhaqdhaqaaq sameeyaha cusub ee aan la bar aqoonsan, xogtaas markaan helno innaguna waan qaban doonnaa marka waa in aan jeexnaa waddo aan kuwada shaqayno’’ ayuu yiri Madera.

Taliyaha cusub ee ciidmadda AMISOM Cusmaan Nuur Subagle ayaa isaguna sheegay in si wanaagsan ay u xaqiijin doonaan ammanka doorashadda , isagoo tilmaamay in shirar wadajir ah ay yeesheen taliyeyaasha ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

“Waxa weyn ee manta nagu sooo wajahan waa sidii ay si nabad ah ugu dhici lahaayeen doorashooyinka nagu soo socda, tii Baarlamaanka, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo tan madaxweynaha, waxaa garab socon doona sidii aan u xoreyn lahaa meelaha ay cadowga gacanta ku hayaan” ayuu yiri Taliyaha.

Doorashada madaxwaynaha ee dalka ayaa la filayaa inay dhacdo 30-october waxaana jira baaqyo kala duwan oo la xiriira in doorashaddu ay ku dhacdo waqtiga la magac dhabay oo aysan dib uga dhicin taas oo ay jeedinayaan siyaasiyiinta iyo hogaamiyeyaasha axsaabta dalka.

Goobjoog News