U bood dhigaalka

AMISOM oo Diidey Codsi Kaga Yimid Odayaasha Marka

Sheeko:Dalka

War saxaafadeed kasoo baxay ciidamada nabad illaalinta Midoowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu sheegey in AMISOM ay diidey codsi kaga yimid odayaasha Marka oo ay kulan la yeesheen, kaasi oo ahaa in ay isaga baxaan magaalada Marka.

AMISOM ayaa sheegtey in taasi aysan suurtogal ahayn marka laga hadlayo xaaladaha amni ee jira iyo shaqada ay meesha u joogaan.

Dhanka kale AMISOM waxa ay ka hadashay dilalkii lagu eedeeyey AMISOM ee dadka rayidka ah, waxayna sheegtey in ay ka warqabto eedeymahaasi, islamarkaasina baarayso.

Waxa ay sheegtey in ay dib ugu yeertey sargaalkii mas’uulka ka ahaa ciidamada AMISOM ee Marka ee dilka shacabka lagu eedeeyey si su’aalo loo weeydiiyo.

Baaqyada ku saabsan in baaritaan la sameeyo oo ka imanayay bulshada iyo dowladda ayay AMISOM sheegtey in ay jirto waddo loo maro baaritaankaasi, islamarkaasina ay jiraan sharciyo degen, kuwaasina la mari doono.

Illaa dad ka badan 30 qof ayaa lagu eedeeyey in ay AMISOM Marka ku dishey bishii lasoo dhaafay ee July, waxaana ugu dambeeyey 6 qof oo hal qoys ahaa oo jimcihii ay ciidamada gurigooda ku laayeen.

AMISOM wali ma qirsana dilka dhacay, waxayna ku adkeysanaysaa in ay jiraan dagaalyahano Alshabaab oo dadka ku dhex dhuumaaleysanaya.

Goobjoog News