U bood dhigaalka

AMISOM oo Duqeyn Madaafiic Ah Ka Geysatay Qeybo Ka Mid Ah Shabeellaha Hoose

Sheeko:Amniga

Wararka aan ka helayno gobalka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay sheegayan in xalay ciidanka AMISOM ee ku sugan gobalkaasi ay duqeyn madaafiic ah ka geysteen qeybo ka mid deegaana Shallan-bood ee gobalkaasi.

Guddoomiyaha deegaanka Shallan-bood Nuur Cismaan Raagge ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka AMISOM ay madaafiic ku garaaceen xaafadaha qaar ee deegaankiisa isaga oo intaas raaciyay in duqeyntaas ay ka dambeysay ka dib markii qarax miino askar ka tirsan AMISOM lagula eegtay deegaanka.

Guddoomiyaha oo sii hadlayay ayaa tibaaxay inaysan sheegi Karin khasaaraha rasmiga ah ee ay keentay duqeyntaasi waxa uuna xusay in saakay ay ku baxeen xaafadihii la duqeeyay si ay xog uga keenaan waxyeelada soo gaartay dadka rayidka ah.

Ciidanka midowga Afrika ee Soomaaliya u jooga nabad ilaalinta loona yaqaan AMISOM ayaa fariisin ku leh duleedka deegaanka Shallan-bood ee gobalka Shabeellaha hoose, waxaana mararka qaar ay madaafiic aan loo meel dayin ku garaacaan dadka shacabka ah marka qaraxyo lala eegto kolonyadooda.

Goobaha dalka aya ka joogaan AMISOM waxa ay ka geystaan tacadiyo ka dhan ah aadanaha, mana jirto tallaabo ay arrinkaasi ka qaaday dowladda federaalka ah marka laga tago inay cambaareyso falalka caynkan oo kale ah.

Goobjoog News