U bood dhigaalka

AMISOM Oo Guullo Ka Sheegatay Dagaallo Ay La Galeen Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada AMISOM ee gobalka Hiiraan ayaa guullo ka sheegtay dagaallo ay gobalkaasi kula galeen ciidamada Xarakada Al-shabaab.

Taliyaha qeybta Sedaxaad ee ciidamada Jabuuti oo ka mid ah Howlgalka AMISOM Korneel Areyte Xumad Maxamed ayaa u sheegay Goobjoog News, inay u dhaqaaqeen furitaanka wadada isku xirta magaalooyinka Baladweyne iyo Buuloburte.

Waxa uu sheegay in khasaare ay soo gaarsiiyeen Al-shabaab, islamarkaana ciidamada ay yihiin kuwo weli wada holwgalada waddo furista ah.

“Wadada isku xirta Baladweyne iyo  Buuloburte ayaa la’isku furayaa, waxaa la doonayaa in amniga wadadaasi la xaqiijiyo, Al-shabaab ayaan la kulannay waan kala erinay, khasaare badan ayaa soo gaaray, ciidamada waxay u taagan yihiin in amniga gobalka ay wax ka qabtaan, waana waajib na saaran, anaga ayaana weerar ah, meel walba oo Al-shabaab joogaan weerar baan ku nahay” ayuu yiri Taliyaha.

Xarakada Al-shabaab weli dhankooda kama aanay hadal dagaalladaasi, iyo sidoo kale waxa ka jira in khasaare badan uu soo gaaray, hase ahaatee ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM ayaa gobalka Hiiraan ka waday howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

Goobjoog News