U bood dhigaalka

AMISOM oo Ka Baxday iyo Al-shabaab oo La Wareegtay Deegaankaas

Sheeko:Dalka

Warar ay Goobjoog News heshay ayaa xaqiijinaya in dagaalyahanada Al-shabaab la wareegeen degmada Marka ee caasimadda Shabeelada hoose kadib markii ay halkas baneeyeen AMISOM.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in AMISOM iyo madaxdii gobolka ay ka baxeen magaalada, lamana oga in AMISOM ay dib u laaban doonto in kale.

Dhageystayaal la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegaya in Al-shabaab ay la wareegeen dhamaan xarumihii Ciidamada iyo xafiisyadii dowladda halka xarunta AMISOM ay bililiqo ka soco

Al-shabaab ayaa waxaa ay wadday is ballarin tan iyo markii ay weerar askar ku dileen ay ka geysteen Ceel-Waaq.

 

Goobjoog News