U bood dhigaalka

AMISOM oo ka hadashay eedaymo dhowaan Dowladdu u jeedisay

Sheeko:War
Wenyotta
Midig, Lydia Wanyoto iyo sarkaal ka tirsan AMISOM

Taliska Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ayaa sheegay inay Goor dhow weerar ku qaadayaan deegaanada ay Xarakada Al-Shabaab ka Joogaan Gobollada Dalka.

Lydia Wanyoto oo ah haweeneyda sii hayaha u ah ergeyga Ururka Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ahna Madaxa Howl-galka AMISOM ee Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabadaasi ay Goor dhow qaadayaan.

Waxa ay intaasi ku dartay in AMISOM ay qorsheyneyso Gurmad inay gaarsiiyaan dadka abaaruhu ay saameeyeen ee ku nool Gobollada Dalka.

Dhanka kale, Wanyoto ayaa ka hadashay eedeyn todobaadkii hore ay golaha wasiirada Soomaaliya ay u jeediyeen AMISOM. Taas oo ahayd in AMISOM ay wax ka qaban gaarsiinta gargaarta deegaano ka tirsan gobollada dalka oo ay ka baxeen Al-shabaab.

Waxa ay sheegtay in AMISOM ay qadatay eedeynta loo soo jeediyay, isla markaana ay ku howlantahy fududeynta gargaarka la gaarsiinayo dadka ku tabaaleysan dalka.

Sidoo kale waxay Shabaabka ku eedeysay inay ka biyo diidan yihiin in bulshada Somaliyeed, kuwooda u baahan gargaarka in la gaarsiiyo, ha yeeshee ay Amisom si adag ugala dagaalami doonto, sida ay tiri.