U bood dhigaalka

AMISOM Oo Ka Jawaabtay Eedeynti Ahlu-sunna

Sheeko:Amniga

Howlgalka midawga Afrika ee Nabad ilaalilnta u jooga Soomaaliya AMISOM, ayaa ka jawaabay eedeynta ururka Ahlu-sunna ay u jeediyeen ee ku aadaneyd in qeyb ay ka ahaayeen dagaalki ka dhacay magaalada guriceel.

Ahlu-sunna ayaa sheegtay in AMISOM ay taagero saanad iyo burburin hanti dadweyne ay ka geysatay Afarti maalin ee uu dagaalka ka socday Magaalada Guriceel.

AMISOM, ayaa shegtay in aysan taagero ku bixin dagaalka sidoo kalena aysan qeyb ka aheyn waxa ka dhacay magaalada Guriceel.

Qoraal ka soo baxay AMISOM, ayaa lagu sheegay in aanan Hubka AMISOM, aan lagu galin dagaalka guriceel.

Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay AMISOM.