U bood dhigaalka

AMISOM Oo La Wareegtay Ammaanka Shirka Doorashooyinka

Sheeko:Amniga

War ka soo baxay Taliska Ciidamada Midawga Nabad ilaalinta Africa ee AMISOM ayaa lagu sheegay in gebi ahaan Ammaanka goobta uu shirka ka dhacayo ay sugeyso AMISOM .

Qoraalka ayaa lagu xusay in saacadihii la soo dhaafay uu Wakiilka Gaarka ah ee Gudoomiyaha Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira, uu kulama la qaatay  Madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) Madaxweeynaha Jubaland,  Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ee Hirshabeelle, Raiisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Danjire Madeira wuxuu kaloo qadka taleefoonka kula hadlay madaxweynaha Maamulka KGB C / casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo  Dhamaan hogaamiyaashan siyaasadda Soomaaliya .

Francisco  ayaa Mas’uuliyiintaas kala hadlay Ammaanka goobta uu ka dhacayo shirka arrimaha doorashooyinka dalka .

Qoraalka ka soo baxay Taliska AMISOM ayaa sidoo kale lagu yiri “Danjire Madeira ayaa sheegay in dhinacyada farsamada iyo amniga ee kulanka ka dhici doona gudaha garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle la dhameystiray”.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa damaanad qaadi doona amniga kahor, inta uu socdo iyo kadib kulanka.

Waxaan rabaa inaan u xaqiijiyo dhamaan hogaamiyaasha Soomaalida, shacabka iyo daneeyayaasha kale in AMISOM, iyadoo la kaashaneysa la-hawlgalayaasheeda, ay diyaarisay talaabooyin lagama maarmaan ah si loo hubiyo in kulanka uu ku qabsoomo jawi wanaagsan, amni leh oo nabdoon oo dhinacyada oo dhami dareemaan. raaxo leh in laga qaybqaato. Ayuu yiri Danjire Madeira.

“Waxaan si kal iyo laab ah u bogaadinayaa madaxda Soomaalida ee ku soo shiray magaalada Muqdisho isla markaana ogolaaday in la qabto kulankan muhiimka ah si loo xaliyo arrimaha taagan si doorasho u dhacdo”, ayuu raaciyay Danjire Madeira

Sikastaba Madaxda Dowlad gobaleedyada qaar ayaa horay u sheegay in aysan ku kalsoonaan karin shirka Amnigiisu Villa Soomaaliya ay Sugeyso.