U bood dhigaalka

AMISOM Oo Loogu Baaqay Inay Xoojiso Dagaallada Ka Dhanka Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Madaxda ka qeybgaleysa shirka Qaramada Midoobay uga socda magaalada New York ayaa ugu baaqay ciidamada Soomaaaliya iyo saaxiibadooda Amisom in ay sii wadaan hawlgalada ka dhanka ah xarakada Al-shabaab si dib looga qabto meelaha ay ka joogaan Soomaaliya.

War-murtiyeed ay madaxdani kasoo saareen shirka ka dhinac socda kulanka ka dhacay qaramada Midoobay ayey ku baaqeen in la xoojiyo taageerada la siiyo hawlgalka militeri kaas oo uljeedkiisu yahay in lagu cuuryaamiyo awoodda Militeri ee Al-shabaab iyo in la helo wadooyin ammaan ah si loo sii marsiiyo gargaarka bini’aadanimo islamarkaana la dardargeliyo geeddi socodka lagu dhisayo dalka Soomaaliya.

Shirkaan looga hadlayey arrimaha Soomaaliya ee ka dhacay magaalada New Yor waxaa wada shir gudoominayey madaxweynaha Soomaaliya madax ka socotay Qaramada Midoobay, Midowga Africa, Ururka iskaashiga islaamka iyo Arab league kuwaas oo dhammaantood halkaas ka sheegay in dadaallada Militeriga ee ka socda Soomaaliya oo keliya aysan soo celin Karin ammaanka dalka.

War-murtiyeedka waxaa lagu sheegay in ay tahay muhiim in la helo tillaaboyin wax looga qabanayo xagjirnimada ka jirta Soomaaliya iyo gobolka.

Dhammaan kasoo qeybgalayaasha shirka waxay walaac ka muujiyeen xaalada bini’aadannimo ee ka jirta Soomaaliya iyadoo ku dhawaad 3 million oo qof ay ku tiirsanyihiin gargaar ay ka helaan hay’ado caalami ah islamarkaana waxaa shirka looga ammaanay dowlada Soomaaliya sidii ay usoo dhaweysay qaxootiga kasoo laabanya dalka Yemen ee dagaalladu ka socdaan.

Goobjoog News