U bood dhigaalka

AMISOM oo Maamulka Koofur Galbeed u Tababareysa Booliis Nabadda Suga

Sheeko:Dalka

Ciidanka AMISOM ayaa Baydhabo ka furay tababar loo sameeyo ciidanka amaanka Koofur Galbeed si wax looga qabto amniga gobolka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Tababarkan uu socon doono muddo saddex bilood ah in ka badan boqol askari.

Qoraal ay Amisom soo saartay, ayaa waxaa lagu sheegay in askartan la gayn doono dhulka laga saaraayo xoogagga dowladda kasoo horjeeda..

Qoraalkan AMISOM ayaa lagu xusay mustaqbalka dhow in askartaasi lagu wado inay noqdaan Xoogag Booliska Somaliya ka tirsan, iyagoona ka shaqayn doono xasiloonida dalka.

Wariyaha Goobjoog ee Baydhabo ayaa Bogga Goobjoog News u xaqiijiyay Tababarka isagoo intaa raaciyay in Booliiskaas lagu tababarayo Howlka Shirarka ee garoonka Baydahbo.