U bood dhigaalka

AMISOM oo magaalada Marka looga mudaaharaaday

Sheeko:War
Magaalada Marka, Shabeellaha Hoose.
Magaalada Marka, Shabeellaha Hoose.

Deganaansho caga badan ku taagnayn ayaa laga dareemayaa Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose halkaasi oo labadii Maalmood ay ka dhacayeen Bananbaxyo lagaga soo horjeedo Ciidamada howlgalka midowga Africa ee AMISOM.

Banaanbaxyada ayaa salka ku hayay markii la sheegay in Ciidamada AMISOM rasaas ay fureen ay ku dhinteen dad shacab ah, taas oo daba socotay qarax Magaaladaasi Ciidamada lagula eegtay maalmihii u dambeeyay.

Boqolaal ka mid ah dadka Magaalada Marka ayaa isugu soo baxay shalay oo Isniin ahayd wadooyinka Magalaadaasi, kuwaas oo ku dhawaqayay erayo ka dhan ah Ciidamada AMISOM.

Saaka oo Talaada ah ayaa Magaalada Marka wali laga dareemayaa saamaynta banaanbaxyadu ay ku yeesheen labadii Maalmood ee la soo dhaafay.

Magaalada ayaa la soo sheegayaa in Qoysaska qaar ay isaga barakacayaan markii cabsi dadkaasi ay soo wajahday.

Goobjoogayaal ku sugan Magaalada ayaa sheegay in Magaalada lagu arkayay shalay galinkii dambe Calanka xarakada Al-Shabaab. Xaafadaha lagu arkay calanka ayaa waxaa ka mid ah xaafada Ruusi ee magaaladaasi.