U bood dhigaalka

AMISOM Oo Magaca iyo Howl-galka Laga Baddalay

Sheeko:Amniga

Dowladda federalka ah ee Soomalaiya AMISOM ayaa bayaan wadajir waxaa ay ka soo saareen kulan maalmihii la soo dhaafay Muqdisho uga socday dowladda iyo AMISOM, kaas oo looga hadlaayey marxaladda kala guurka ah ee howllgalka ay ku joogaan gudaha dalka.

Kulanka ayaa markii uu soo dhaamaday waxaa  laga soo saaray bayaan ka koobnaa 8 qodob oo ay isla gaareen labada dhinac.

Howlgalkii midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxaa uu soo bilowday 21-kii February sanadkii 2007, xiligaas oo dowladnimada Soomaaliya ay curdun aheyd, waxaana dalka ay ku sugnaayeen  muddo 15 sano ah, iyaga oo ka qeyb ahaa dagaallo badan oo u dhaxeeyey dowladdu  Al-shabaab oo xiligaas meelo badan , waxaa sidoo kale kasoo gaaray khasaare.