AMISOM Oo Magdhaw Ka Bixin Doonta Dilalka Ay Ka Geysto Soomaaliya

AMISOM ayaa la sheegayaa in 3 bil gudahood ay soo gababeyn doonaan magdhawga la siinayo rayid ay ciidamadooda ku dileen gudaha Soomaaliya.

Jide Okeke, oo ka mid ah saraakiisha AMISOM ayaa sheegay in magdhawga ay qeyb ka tahay xiriir wanaagsan oo ay doonayaan in uu dhexmaro AMISOM iyo dadka Soomaaliyeed.

Adebayo Kareem,  oo qeybta xuquuqul insaanka madaxda ka ah ayaa dhankiisa waxaa uu sheegayaa in AMISOM ay xadidi doonto lacagta la siinayo dadka rayidka ee ku dhintay ama ku dhaawacmay rasaasta AMISOM.

October 5, ayey aheyd markii Ciidamo ka tirsan ay 5 qof ku dileen Jannaale, arrintan ayaa qeyb ka ah silsiladda tacadiyadda AMISOM ee ay shacabka ku yimaadaan.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW