U bood dhigaalka

AMISOM Oo Mid Kamid Ah Ergada Ku Toogatay Cadaado

Sheeko:Baarlamaanka

War degdeg ah oo hadda naga soo gaaray magaalada Cadaado ayaa sheegaya in halkaasi ciidamada AMISOM ay ku dileen mid kamid ah ergada beelaha Galmudug.

Ninka la dilay oo Goobjoog magaciisa loogu sheegay Cabdullaahi Caraale Dibad waxaa ciidanka AMISOM ee xarunta doorashada Cadaado ilaalada ka haya ay ku dileen illinka hore ee xaruntaasi.

Wariyaha Goobjoog News ee Cadaado ayaa soo sheegaya in ciidamada AMISOM ay rasaas ku fureen ninkaasi islamarkaana diideen wax dhaqaaq ah in la sameeyo.

Warar soo baxaya qaarkood waxay sheegayaan in ninkani uu kamid ahaa dadka shacabka ah ee magaalada Cadaado hase yeeshee wararka la helayo iyo inta badan dadka waxay sheegayaan in ninkani Cabdullaahi Caraale uu kamid ahaa ergada xildhibaannada ku dooranaysa Cadaado.

Lama oga sababta ciidanka AMISOM ay maanta Cadaado ugu toogteen nin kamid ah ergada wax ku dooranaysay magaalada welina ma aynaan ka hadlin.

Doorashada aqalka hoose oo dib maanta uga billaabatay magaalada Cadaado ayaa ka socota halkaasi.

Wixii soo kordha dib kala soco

Goobjoog News