U bood dhigaalka

AMISOM Oo Mishaar U Raadsatay Gacanka Carabta

Sheeko:Dalka

Ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta Soomaaliya AMISOM ayaa taageero lacageed u raadsaday dalalka gacanka carabta kadib markii midowga Yurub uu goostay lacag sanadkii dhan ilaa $200 million oo noqoneysa 20%.

Madaxa AMISOM Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay in xafiiskooda uu booqday dalal badan carab ah si ay taageero dhaqaale u helaan, loona taageero ciidanka AMISOM.

Arrintan ayaa timid kadib markii dalalka qaar ee ka tirsan AMISOM sida Kenya iyo Uganda ay ku hanjabeen in ay ciidamadooda kala baxayaa Soomaaliya arrimo la xiriira Mishaar dhimis iyo Mishaar daahis awgeed.

Uhuru Kenyatta  ayaa ku hanjabay in ciidamdiisa uu kala bixi doono dalka Soomaaliya haddii la siin waayo lacag ku filan, waxaa tilaabo noocaas ah qaaday baarlamaanka dalka Uganda oo bishii april arrinkaas ka hadlay.

Mr Madeira ayaa ka sheeganaya in ciidankooda aaney helin Mishaarka waqtigii loogu talagalay, oo intaa ay dheer tahay qalab la’aan iyo xitaa hub yaraan iyo in aanay isku mid aheyn nafta ay hurayaan iyo sida loola dhaqmo.

Madera waxaa uu codsaday in ciidanka AMISOM loola dhaqmo sida ay beesha caalamka ula dhaqantay dalalka Syria, Iraq, North Africa, Nigeria  iyo Afghanistan.

Goobjoog News