U bood dhigaalka

AMISOM oo Qiratay Askar Lagaga Diley Weerarkii Xalane

Sheeko:Dalka

AMISOMWar saxaafadeed ay soo saartey AMISOM ayaa lagu sheegey in illaa 3 askari loogaga diley weerarkii dagaalyahanada Alshabaab ay ku qaadeen xarunta sida aadka loo illaaliyo ee Xalane.

AMISOM waxa kale oo ay sheegtey in weerarka lagu diley hal qof oo ay ku sheegtey in u yahay qandaraasle rayid ah, oo balse aanan la sheegin jinsiyadiisa.

Dagaalyahanada ayaa isu soo ekeeysiiyey ciidamada militariga Soomaaliya, waxayna AMISOM sheegtey in la diley shan ka mid ah ragga meesha weeraray.

3 ka mid ah dagaalyanada ayay AMISOM sheegtey in nolosha lagu qabtay.

Xaaladda ayaa hadda caadi kusoo laabatay, iyada oo ay badqabaan inta badan shaqaalihii Midoowga Afrika iyo Qaramada Midoobey, sida lagu sheegey war saxaafadeedka.

Alshabaab ayaa sheegatay weerarka, waxayna ku doodeen in bartilmaameedka uu ahaa xaflad ciidda masiixiyiinta oo halkaasi ka dhacaysay, sida ay hadalka u dhigeen.

Ergeyga Midoowga Afrika ee Soomaaliya Maman Sadique ayaa ciidamada ku amaanay jawaabtooda degdegta ah ee ay ka bixiyeen weerarka iyo sida ay isaga caabiyeen.

Goobjoog News