U bood dhigaalka

AMISOM Oo Qiratey In Kolonyadooda Ay Jiireen Gaari Shacab Ah, Duleedka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Taliska AMISOM ayaa qortey in kolonyadooda ay 15-kii bishan jiireen gaari shacab saarnaayeen ku jiireen deegaanka Calamada ee duleedka magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxayAMISOM ayaa lagu sheegay in falkaasi ay aad uga xunyihiin, waxayna hadalka u dhigeen in arrintaasi ay shil ahayd.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in baaritaan dheeraad ah ay sameyn doonaan ka AMISOM ahaan.

Kolonyo AMISOM ay ayaa jiirey gaari ay la socdeen dad shacab ah, kaas oo kusoo wajahnaa magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ku dhintey 15 ruux, iyadoo Lix kale ay dhaawacmeen.

Halkaan hoose ka akhriso War-saxaafadeedka AMISOM:

Dhacdadii Axadii ka dhacday inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye waxay ahayd mid naxdin leh, ahna mid nasiib darro ah, taas oo gaari AMISOM ah uu ku dhacay gaari shacab ah, kaasi oo wadey rakaab, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare.

Baaritaanno horudhac ah oo aynu sameynay ayaa sheegaya in gaadiidka gaashaman ee AMISOM uu bas ku dhacay kadib markii uu isku dayey inuu horgooyo kolonyada AMISOM taas oo sababtay in gaarigii AMISOM iyo midkii daweynaha ay madaxda isla galaan.

Kolonyadii AMISOM ahayd ayaa islamarkiiba u leexday xarunta Booliiska ee halkaasi ugu dhoweyd, iyadoo laga qorey sida ay u jirtay warbixinta.

AMISOM oo si xun uga naxsan falkaasi ayaa hadda waxay kulan la leedahay ciidamada Booliiska, maamulka deegaanka iyo Odoyaasha dhaqanka, iyaga oo ka shiraya falkaasi naxdinta lahaa.

AMISOM iyo laamaha dowladda Federaalka ee arrintan quseyso waxay sii wadi doonaan baaritaanka dhacdadan illaa laga helo warbixinnada looga baahan yahay.

Goobjoog News