U bood dhigaalka

AMISOM Oo Sheegtay Goobta Lagu Fulinayo Xukunka Askartii La Xukumay

Sheeko:Amniga

AMISOM ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xukunada dilka iyo Xabsiga ah ee lagu riday qaar ka tirsan ciidamadooda.

Howlgalka midawga nabad ilaalinta Afrika Soomaaliya ee AMISOM ayaa sidoo kale sheegay in askarta la xukumay ay ahayeen kuwa  dad shacab ah ku dilay deegaanka Golweyn ee Shabeellaha Hoose.

AMISOM ayaa sidoo kale sheegtay in askaxtan la xukumay xukunkooda lagu fulinayo dalka Uganda oo ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan.

Qoraal ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in Howlgalkooda uu mar walba u taagan yahay illaalinta hantida iyo Amniga dadka Soomaaliyeed.

Askarta la xukumay oo gaaraya illa iyo shan Askari ayaa laba kamid ah lagu xukumay dil halka seddaxda kalena xukun xabsi ah loo diray.

Dacwadda Askarta la xukumay ayaa timid kadib markii bartamihii bishii sideedaad ay ciidamada la xukumay si arxan daran dad shacab ah ku dileen.

Dilka shacabka ayaa qaarkood loo adeegsaday miino lagu dul fadhiisiyay dadka kadibna ay ku qarxiyeen Askartaan.

Goobjoog News