U bood dhigaalka

AMISOM: Qaska Taagan Ma Keeni Karo Inay AMISOM Baxdo

Sheeko:Dalka

Ambassador Francisco Madeira, oo ah madaxa howgalka midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed uu ka soo saartay qaskii Arbacadii ka dhacay golaha shacabka sheegay in AMISOM ay taageereysay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madeira waxaa uu ka hadlay in AMISOM ay Soomaaliya u joogto inay taageerto xoogga dalka sidii loo ilaalin lahaa hay’adaha dowladda Soomaaliya oo uu baarlamaanka ku jiro.

Ambassador Francisco Madeira oo ka hadlayey bixitaanka ciidamada AMISOM waxaa uu carabka ku adkeeyay in ay Soomaaliya ku joogaan qaraarka golaha ammaanka 2372(2017), oo dhigaya in la wareegidda ciidamada xoogga ee amniga ay u dhacdo qaar marxalado ah.

“Ma dhici karto in dhibaatada hadda taagan saameyso ama ku qasabto AMISOM in ay baxaan”.

Hadalka Francisco Madeira ayaa imaanaya kadib markii dowladda federaalka ah ka dacwootay hadalka Brig. Gen. Paul Lokech  uu ka jeediyay kulankii uu la qaatay guddoonka golaha shacabka.

Goobjoog News