U bood dhigaalka

Ammaanka Garowe oo la adkeeyey iyo Raisul-wasaaraha oo booqanaayo

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta lagu wadaa in booqasho rasmi ah uu ku tago magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland wafdi uu hogaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed.

Ammaanka magaalada Garowe ayaa aad ah loo adkeeyay, iyadoo Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka socota magaalada.

Maamulka Puntland ayaa Gudi u saaray soo dhoweynta Ra’iisul Wasaaraha, waxaana gudigan ay ka shaqeynayaa hab maamuuska soo dhoweyntiisa iyo Amniga.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa noqon doonta tii u horeysay, tan iyo markii xilka loo magacaabay, waxaana la filayaa inuu la kulmo Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas halkaas oo uu kala hadli doono xiriirka dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Puntland.

Puntland ayaa kol hore xiriirka u jartay dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay ka soo hor-jeesatay heshiiskii maamul u sameynta gobolada dhexe.