Ammaanka Magaalada Garoowe Oo Aad Loo Adkeeyey
Sheeko:Dalka

Ciidamada dowla goboleedka Puntland ayaa si aad ah u adkeeyey amniga guud ee magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.
Ciidamo badan oo maamulkaasi ah ayaa lagu soo daabulay gudaha magaalada Garoowe si ay amniga u adkeeyaan maalmaha doorashada.
Sideedda bishan ayaa lagu wadaa in Garoowe ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha ee Puntland oo ay u taagan yihiin musharraxiin aad u badan.
Dhanka kale, Garoowe waxaa ku sugan ciidamo badan oo ay kala wataan musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee maamulkaasi.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News