U bood dhigaalka

Ammaanka Magaalada Hargeysa Oo La Adkeeyay

Sheeko:Dalka

Ciidamada ammaanka maamulka Somaliland ayaa aad u adkeeyay amniga magaalada Hargeysa, iyadoo maalinta berri ah deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo looga dabaal degi doono 18-ka May oo ah maalin ay sheegaan in Soomaaliya inteeda kale ay ka go’een.

Ciidamo Booliis ah ayaa lagu arkayaa dhammaan xaafadaha iyo waddooyinka ugu muhiimsan ee magaaladaasi.

Dhinaca kale howlgalka ay ciidamada Booliiska Somaliland xalay ka sameeyeen magaallada Hargeysa ayaa waxay kusoo qabteen rag la sheegay in falal amniga ka dhan ah maleegayeen.

Waxay ciidanka raggaan lasoo qabteen hub iyo sidoo kale qalab lagu diyaarinayey walxaha qarxa sida ay sheegeen saraakiisha Booliiska Hargeysa.

Sanad walba 18-ka May Somaliland ayaa u dabaaldegta maalinta ay sheegeen inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale, balse ma aysan helin muddo ka badan 20 Sano wax aqoonsi ah.

Goobjoog News