U bood dhigaalka

Ammaanka Muqdisho Oo Aad Loo Adkeeyey

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa aad u adkeysan ammaanka guud ee magaalada Muqdisho, xilli 8-da bishan la filayo in magaalada lagu qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho waxaa lagu jaray dhagxaan iyo sidoo kale carro badan, iyadoo gaadiidka dadweynaha aaney meelaha qaar mari karin.

Dhammaan Laamiyada kasoo leexda wadada Wadnaha iyo sidoo kale jidcadayaasha ee soo aadaya dhanka wadada Makka Al-mukarrama ayaa ah kuwo xiran.

Jidcadayaasha waxaa lagu xiray dhagxaan, halka Isgoysyada waaweynna ay ku sugan yihiin ciidamo Nabad sugid ah oo gaadiidka halkaasi ka celinaya.

Adkeynta amniga ayaa qeyb ka ah diyaar garowga loogu jiro doorashada madaxweynaha ee Arbacada Muqdisho ka dhici doonta.

Waddooyinka xiran waxay saameyn ku yeesheen dhaq dhaqaaqyadii dadweynaha, iyadoo meelaha qaar ay shacabka u lugeynayaan.

Goobjoog News