U bood dhigaalka

Amnesty: Hadda Waxa Uu Ku Jira Gacanta Dowladda Waa In La Hubiyaa Dhammaan Xadgudubyada La Sheegay Inuu Ka Gaystay Gedo

Sheeko:Amniga

Hay’adda u doodda Xuquuqul Insaanka ee Amnesty International ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbatay in ay baaritaan ku sameyso Cabdirashiid Janan oo ay Hay’adda horay ugu eedeysay in uu gabood falo ka geeystay Gobalka Gedo.

 

Amneysty ayaa sheegtay in Cabdirashiid Janan oo horay u ahaa wasiirkii Amniga Jubbaland uu dambiyo dagaal ka geeystay Gobalka Gedo .

Hay’adda ayaa xustay in looga baahan yahay mas’uuliyiinta dowladda in ay baaritaano ku sameeyaan maadam uu hadda gacantooda ku jiro.

 

Qoraal ka soo baxay Amnesty ayaa lagu yiri “Hadda oo Cabdirashiid Janan uu ku jiro gacanta dawladda federaalka ee Soomaaliya, mas’uuliyiintu waa inay hubiyaan caddaaladda iyo la xisaabtanka dhammaan xadgudubyada xuquuqul insaanka ee la sheegay inuu ka gaystay Gedo.

 

Amnesty International ayaa sidoo kale sheegtay in dhibanayaasha uu dhibka u geeystay in ay u baahan yihiin Cadaalad in ay helaan .

Qoraalka Amnesty ayaana lagu yiri “Dhibbanayaasha iyo qoysaska saamaynta ku yeeshay waxay mudan yihiin caddaalad.”

 

Hadalka Amnesty ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay Heshiis la gaartay Janan iyadoo Beledxaawo ku soo dhaweysay .