U bood dhigaalka

Amnesty International: Dowladda Soomaaliya waa Iney Degdeg Usii Deysaa Weriye Abuuja

Sheeko:Amniga

Amnesty International ayaa waxaa soo saartay qoraal ay ku sheegtay walaaca ay qabto xariga weriye Maxamed Cabdiwahab Abuuja iyaga oo dowladda federaalka ah ugu baaqay in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo.

Amnesty International  ayaa waxaa ay qortay in weriyahan u xiran NISA lagu goob dad badan ku jiraan taas oo halis ah marka la fiiriyo xaaladda jirta ee COVID-19.

29 February 2020, ayey NISA xirtay Abuja oo tifaftire ka ah idacadda  Hiigsi, waxaa la sii daayey 2 March 2020 iyada oo la eedeyn, weriyaha aabihii Cabdiwahab waxaa uu sheegay in six un loola dhaqmay markii uu xabsiga ku jiray.

Abuja waxaa dib loo xiray 7 March 2020, waxaana la diiday iney arkaan qoyska iyo qareenada ilaa maxkamadeyntii  7 June 2020, maalintaas oo la geeyey maxkamad military iyada oo aan la ogeyn.

Maxkamadda Militariga ayaa amartay in loo gudbiyo xabsiga dhexe, eedda keliya ee la haayo waa qoraal ay soo saartay wasaaradda warfaafinta 22 April 2020 oo sheegeysa in Abuuja oo lug lahaa dil iyo arrimo al-shabaabnimo.

Mid ka mid ah hey’adaha u dooda saxafiyiinta oo xabsiga ugu tagtay Abuuja ayaa sheegtay inuu ka sheeganayo madax xanuun iyo indhaha.

Saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa dhowr jeer isugu soo baxay dartii iyaga oo codsaday in la sii daayo.