U bood dhigaalka

Amnesty International: Haddii uu Baxayo iyo Haddii Kalaba, Mareykanka Meel Haku Sheego Rayidkii uu Dilay

Sheeko:Amniga

Xilli ay Mareykanku sheegayaan iney ciidamadooda kala baxayaan Soomaaliya ayaa hey’adda Amnesty International waxaa ay leedahay waa in meel ku sheegayaan dadkii maatida ahaa ay ciidamdoodu dileen.

Hey’adda oo ka jawaabeysay qoraal ka soo baxay wasaaradda gashaandhigga Mareykanka December 4, oo sheegay in ciidamadooda ka jooga Soomaaliya la baxayaa horraanta 2021-ka ayaa waxaa ku adkeysay in aaney la baxsan la xisaabtanka la xiriira dilalka ay u geysteen rayidka.

“Haddii ay ka baxayaan Soomaaliya ciidamada dhulka iyo haddii kalaba, waxaa waajib ah in AFRICOM ay la tilmaado istiraatiijiyad isla xisaabtan, oo aaney ku inkireyn halgalladii military ee la sheegay iney ku waxyeeloobeen dadka rayidkah ah” waxaa sidaa yiri Deprose Muchena, Amnesty International madax uga ah bariga iyo koonfurta Afrika.

Deprose Muchena ayaa intaasi raaciyey “ Haddii ciidamada cirka ay sii wadayaan halgallada duqeymaha ah waa iney hubiyaan in aaney wax ku noqon wax rayid ah”.

Tan iyo markii uu dalka qabsaday madaxweyne Trump, AFRICOM  waxay ka fulisay Soomaaliya  duqeymo gaaraya 196, oo kala ahaa:  38 sanadkii  2017; 48 oo ahaa  2018; 61duqeymo 2019; iyo  49 oo sanadkan 2020-ka ah.

Hey’adda Amnesty International waxaa ay baaris ku ogaatay in ciidamada Mareykanka ay duqeymo ka fuliyeen tan iyo 2017-kii gobollada shabaeellada hoose, Galgaduud iyo Jubbada dhexe , 21 qof oo rayid ah ayey dileen halka 11 kale dhaawac yihiin, arrimahaas oo la sheegay iney ka hor imaanayaan xuquuqul insaanka.

Goobjoog News