U bood dhigaalka

Amnesty International iyo Human Right Oo Ka Hadlay Tacaddiyo Loo Gaytay Qowmiyadda Tigrayga

Sheeko:Amniga

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee kala ah Amnesty International iyo Human Right Watch ayaa si wada jir ah warbixin ay uga soo saareen dagaaladdii ka dhacay Itoobiya ku sheegay in ay diiwaan geliyeen xadgudubyo ka dhan ah bini aadanimada tan iyo November 2020.

Dagaalka u naxeeyay qowmiyadda Tigrayga iyo xukuumadda Abiy ayay sheegeen in intii uu socday ay dhaceen falal isugu jira Kufsi, dil wadareed iyo isir sifayn baahsan oo lagula kacay qowmiyadda Tigrayga.

Ciidamada gobalka Amxaarada oo kaashanaya kuwa dowladda ayaa la sheegay in ay falalkaan oo dhami ku kaceen intii lagu guda jiray maalmihii dagaalka.

Amnesty International iyo Human Right Watch ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan dhac loo gaystay hanti ay lahaayeen qowmiyadda Tigrayga.

Tan iyo markii bishii November sanadkii 2020 dalka Itoobiya uu ka bilaabmay dagaalka u dhaxeeya TPLF iyo xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxaa soo baxayay baaqyo loo dirayo dowladda Itoobiya oo ku aaddan in dagaalka wadahadal lagu dhameeyo.

Goobjoog News