U bood dhigaalka

Amnesty International Oo Cambaareysay Heshiiska Turkiga iyo Midowga Yurub Ee Qaxootiga Siiriya

Sheeko:Dalka

Ururka Amnesty International ayaa dhaleeceeyay heshiis Jimcihii ay Midowga Yurub iyo Turkiga ku kala saxiixdeen oo ku saabsan dib u dajibta qaxootiga Suuriya.

Amnesty International oo inta badan ka hadasha arrimaha xuquuqul insaanka waxaa ay heshiiskaan ku tilmaantay in Turkiga ay dan ugu jirto, iyadoo walaac ka muujisay arrimaha xuquuqul insaanka ee dalka Turkiga iyo dhibaatada laga yaabo in ay la kulmaan qaxootiga.

Turkiga waxaa la sheegayaa in loo balan qaaday in la siin doono ilaa 6 Bilyan oo Doollar si uu dib u dajin ugu dameeyo qaxootiga Suuriya.

Heshiiska Midowga Yurub iyo Turkiga waxaa uu dhigayaa in Axadda wixii ka dambeeyay aanay qaxooti ka gudbi doonin xadka ay wadaagaan Turkiga iyo Giriiga.

Heshiiska waxaa kaloo ku jira in dadka hadda degan Turkiga dib u dajin loogu sameyn doono Yurub.

Mas’uul u hadlay midowga Yurub waxaa uu sheegay in ilaa 72 Kun oo Qaxooti ah in hadda ay ku sugan yihiin Suuriya, dadkan oo dhamaantood dib u dejin loogu sameyn doono qaaradda Yurub.

Wararka waxaa ay sheegayaan in ilaa 2 Milyan oo Qaxooti ah ay ka talaabeen Turkiga 2015-kii oo ay galeen Yurub halka sanadkan ay gaarayaan 132 kun inta Yurub gashay.

Lama oga waxa uu heshiiskan ka badali doono in Turkiga ay xakameyn doonaan qulqulka qaxootiga Suuriya eek u socda qaaradda Yurub.