U bood dhigaalka

Amnesty International Oo Eretria Ugu Baaqday In Ay Siideyso Wariyayaal 20- sano U Xiran

Sheeko:Amniga

Hay’adda u dooda xuquuda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday dowladda Eretria in ay si deg deg ah oo bilaa shurud ah u sii deyso Wariyayaal iyo siyaasiyiin la xiray 20 sano ka hor.

Bayaan ay soo saartay Amnesty ayaa lagu sheegay in  21 qof oo isugu jira siyaaiyiin iyo wariyayaal ay xirtay dowladda Eretria intii dhaxeysay 18kii ilaa 23kii Sebtember 2001.

“Waa wax aan la fiirsan karin in maxaabiistan geesiyaasha ah ay weli ku jiraan xabsi 20 sano tan iyo markii loo xiray in ay u doodaan xuquuqdooda, ma jiraan  wax war ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta Eretria  oo ku saabsan duruufaha ay hadda ku sugan yihiin,” ayuu yiri Deprose Muchena, oo ah Agaasime Goboleedka Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Wariyayaasha la xiray ayaa waxaa ka mid ah Dawit Isaak, Seyoum Tsehaye, Dawit Habtemichael, Mattewos Habteab, Fesseaye iyo wariyayaal kale, kuwaas oo dhamaan aad looga yaqiinay dalka.

Amnesty International ayaa diiwaangelisay xaaladaha dadka ku jira xabsiyada oo ay u liidato xaaladooda nololeed, Kuwaas oo ciidamada ilaalada ka ah ay dadka u geeystaan xad gudubyo ka baxsan bani’aadamnimada .

Goobjoog News